Home Afsomali Waa warbixin kahadleysa wax qabadka taliyaha ciidanka xooga dalka Sareeya gaas Dahir...

Waa warbixin kahadleysa wax qabadka taliyaha ciidanka xooga dalka Sareeya gaas Dahir adan CILMI

Wax Qabadka Taliyaha Ciidanka X.D.S Taliyaha Ciidanka X.D.S oo mar labaad loo soo  magacaabay 23 Agosto 2018  kadib markii guud ahaan muwaadiniin Soomaaliyeed gaar  Ciidanka X.D.S soo codsadeen in la soo celiyo S/Gaas Daahir Aadan Cilmo (Indha Qarshe) kaa soo xaqiijin kara dib u dhiska Ciidanka X.D.S  marka laga eego heerka aqoontiisa ciidan, waaya aragnimadiisa iyo kartidiisa. Dowladda federalka soomaaliya ay tixgaliyeen rabitaanka muwaadiniinta soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka X.D.S waxay markii labaad loo soo magacaabay xilka taliyaha Ciidanka X.D.S S/ Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) oo lagu yaqaqaano nin markiiba abaara meelaha uu ka liito Ciidanka X.D.S si kor loogu qaado wax qabadka dhinac kasto leh ee ciidanka X.D.

Haddii tusaale kooban aan ka soo qaadano wax qabadkiisii hore mudadii 1aad ee xilka taliyenimada loo soo magacaabay sanadkii 2013-2015:

  1. Wuxuu Ciidanka u kala saaray Howlgal,Howlgab,Naafo iyo Agoon, taasoo saldhig u aheyd qaab dhismeydka ciidanka X.D.S ee lagu yaqaanay.
  2. Wuxuu kala saaray Mushaarooyinka Ciidanka X.D.S Askar iyo Saraakiilba ay isku mid ahaayen ($100), wuxuuna u kala saaray Mushaarooyinka saraakiisha laga bilaabo Sareeye ilaa Xidigle oo mid kasto Mushaar cayiman oo ku filan la siiyay.
  3. Wuxuu Suurto galiyay in si wadajir ah looga shaqeeyo qorshaha la dagaalanka Argagixisada Alshabab iyo dib u dhiska ciddanka X.D.S oo isugu jira tababar Ciidanka (Dibadda iyo Gudaha) ku waasoo isugu jira Saraakiil, Sraakiil Xigeen, iyo Askar.

 

  1. Wuxuu aqiijiyay xiriirka wada shaqeynta dowladaha gacanta naga siiyo dib u dhiska ciidan X.D.S iyo Taliska Guud Ciidanka X.D.S.
  2. Wuxuu soo celiyay kala dambeyntii iyo disibiliinka Ciidanka X.D.S,ayadoo saldhig looga dhigay sixitaanka darajooyinka saraakiisha X.D.S.

 

Intaas waxaan ku soo koobnay waxqabadkiisii hore mudadii uu xilka hayay laga soo bilaabo 2013-2015 inkastoo qoraal ahaan lagu soo koobi karin wax qabadkiisa.

Markaan dambe ee loo soo magacaabay  xilka Taliyaha Ciidanka X.D.S S/Gaas Dahir Adan Cilmi (Indha Qarshe) uu ku yimid rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed oo u baahan Ciidan Qaran  iyo gaar ahaan Ciidanka X.D.S.

Taliyaha Ciidanka X.D.S wuxuu ka bilaabay in uu is beddel deg deg ah ku sameeyo:

  1. Tayeenta Hoggaamada Taliska Guud, si taakuleynta ciidanka dhinaca hawlgalinta iyo maamulka uu u noqdo (Kor Hoos,Hoos Kor) wuxuuna Hoggaamada Taliska Guud u kala magacaabay saraakiil ku haboon aqoon ahaan iyo karti ahaanba Hoggaamada kala duwan ee Taliska Guud oo ah maskaxdii ciidanka X.D.S.
  2. Wuxuu bilaabay in la diyaariyo qorshihii hawlgalinta ee looga sifeynaayo cadawga Alshabab deegaanada ay ka taliyaan,taasoo saldhig looga dhigay (Badbaado1, Badbaado2) oo ku fadhiya hawlgalladii lagu qaaday Goballada Sh/hoose iyo Dhexe waxaana laga soo hooyay guulo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin deegaano cusub ay qabsadeen Ciidanka X.D.S, kuna sugan yihiin hadda oo horey cadawga u haystay, sida deegaanada xeebta Jasiira ilaa Marka,Dhanaane,Ceel Aw maki iyo Jilib Marka.
  3. Si loo xaqiijiyo tayada saraakiisha ciidanka X.D.S waxaa laga qaaday imtixaan qorsheysan dhammaan Saraakiisha Ciidanka X.D.S, ayadoo loo saaray guddiyo kala duwan ee qaadista imtixaanka iyo sixitaankiisa, waxaana la sugayaa natiijadii imtixaanka oo mar dhaw la soo saari doono, waxeyna saldhig u noqoneysaa kala saaridda Saraakiisha tayada leh iyo kuwa aan tayada laheyn oo laga gaari doono go’aanada ku haboon.
  4. Waxaa is beddel lagu sameeyay dhammaan Taliyaasha Qeybaha Ciidanka X.D.S si loo dar dargeliyo qorshaha cusub ee la dagaalanka cadawga Alshabaab,si looga sifeeyo guud ahaan Dalka.
  5. Hoggaamada Taliska Guud waxaa ka socda qorshaha 4tasano ee loogu talagallay in lagu fuliyo waqtiga kala guurka oo dalkoo dhan difaaciisa uu la wareegi doono ciidanka X.D.S.

Sidoo kale taliyaha ciidanka X.D.S waa sarkaalka kaliya oo isku heysta aqoonta guud ee ciidanka X.D.S (Dhul,Cir iyo Bad) waana sarkaalka kaliya oo nool,heystana Billad Dahab ah ee “Geesinimo”waana sarkaalka Qaranka Soomaaliyeed u haray dhinaca dib u dhiska iyo hoggaaminta ciidanka X.D.S.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.