Home Afsomali waaxda difaaca mareykanka oo gacanta ku dhigay dooni hub fara badan uu...

waaxda difaaca mareykanka oo gacanta ku dhigay dooni hub fara badan uu saaran yahay

Ciidanka badda ee Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay boqollaal hub fudud ah oo ay ku jiraan qoryaha AK-47, kuwaasoo saarnaa doon aan wax calan ah sidan oo maraysan gacanka Cadmeed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan waaxda difaaca ee Maraykanka.

Saraakiisha oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa sheegay in arrintaas ay dhacday qiyaastii laba todobaaad ka hor.

Waxay sheegeen in ciidan la socday markabka USS JasonDunham ay fuuleen doonta. Doontaas ayaa ahayd nooca yaryar ee saxiimadaha ah.

Sarkaal ka tirsan waaxda difaaca ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo halka hubkaas loo waday, wuxuuse sheegay inay baarayaan.

Gacanka cadmeed ayaa ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan ee Yurub, Aasiya, iyo bariga dhexe ku xira Yemen oo dhanka waqooyooi ah iyo Soomaaliya oo dhanka koofureed ah, iyo badda Arabian oo dhanka bari ah.

Sarkaalkaas ka tirsan waaxda difaaca ee Maraykanka wuxuu kaloo sheegay in ciidanka badda ee Maraykanka iyo maraakiibta dalalka xulafadooda ah ay hore u qaadeen hawlgallo noocaas ah, ayagoo qabtay doomo siday daroogo oo nawaaxigaas marayey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.