Home Afsomali Wadahadallo nabadeed oo u bilaabmay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigreyga

Wadahadallo nabadeed oo u bilaabmay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigreyga

Waxaa wada-hadallo hoose ay u bilaawdeen dhinacyada ku dagaalamaya Waqooyiga Itoobiya ee dowladda Itoobiya & Xoogagga Tigreega, kuwaas oo dib u bilaawday kadib shan bilood oo xabbad joojin aheyd.

Wafdi ka socda dowladda Itoobiya iyo wakiilo ka socda Tigreega TPLF ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Jabuuti. Wadahadalladan waxaa soo qabanqaabiyay ergeyga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo tan iyo todobaadkii hore ku sugnaa Itoobiya.

Labada dhinac si fiican ayey u yaqaanaan bilowga hore, waxay si qarsoodi ah ugu kulmeen halkaas intii lagu jiray xabbad joojinta Bani’aadamnimada si ay ugu heshiiyaan shuruudaha geeddi-socodka nabadda.

Qodobada ugu muhiimsan ee dhinacyadu ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa ay yihiin saxiixa xabad joojinta,  soo afjarida go’doominta Tigrayga, faragelinta ciidanka Eritrea ee Tageerada siinaya Addis Ababa, iyo mustaqbalka Wolkait oo ah dhul lagu muransan yahay oo galbeed ka xiga Tigrayga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.