Home Afsomali Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta Cabsi qarax u  xiran

Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta Cabsi qarax u  xiran

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay xireen qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah Magaalada Muqdisho, iyada oo loo diidayo inay isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada ayaa waddooyinka ay xireen waxaa kamid ah  inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka ilaa km4, Warshadda Caanaha ilaa Wadada hormarta Kuliyadda Jaalle Siyaad ee wadada Warshadaha ilaa Isgoyska Ex-koontorool Afgooye.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaalya ayaan weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha loo xiray waddooyinka, waxaana la arkayay dadka Shacabka ah oo lugeynaya.

Dhinaca kale waddooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta furan, waxaana sicaadi ah u Shaqeeynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyada oo maanta ay ku beegan tahay Maalinta labaad ee Bisha Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.