Home Afsomali Wadooyinka Burbursan oo Muqdisho ku sii badanaya

Wadooyinka Burbursan oo Muqdisho ku sii badanaya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid Wadooyinka Caasimadda oo ay ka socdaan howla dib loogu abuuraya gooba Biya mareen ah oo loogu talagalay in ay si toos ah ugu shubaan Bada.

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay biyo badan oo roobku dhigay, mana lahan laamiyada Muqdisho biyo mareeno biyaha ku shuba badda.

Cumar Filish ayaa kormeeray wadooyin uu socday howl dib udhis ah oo Wadooyinka loogu Sameynayay Tubooyinka biyaha qaada kuwaas oo si toos ah ugu shubi doona Badda, si looga gudbo caqabadaha ay Roobka u geestaan isku socodka Caadimadda iyo Bilicda.

Wadooyinka uu kormeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa kamid ahaa.

1- Wadada Buundooyinka, oo ay ka socotay howla dayactir ah.
2- Wadada hormarta Xarunta Taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidan boliiska Soomaaliyeed ee tagta isgooska Afarta Darjiin.
3- Warta KM-4 oo ay ka socotay howla biyaha looga qaadaye.
4- Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir.

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay iyo qorshaha diyaarinta golaha wasiirada oo socda kuna sii jeeda dalka …
Next articleDowlada Soomaaliya oo Midowga Africa kka dalbatay in laga qaado Xayiraada dhinaca hubka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.