Home Afsomali Wafdi gaaray degmada Diinsoor oo kulamo bilaabay

Wafdi gaaray degmada Diinsoor oo kulamo bilaabay

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Maxamed isxaaq Cabdi oo qeyb ka yihiin Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxamed ibraahim Biano iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Yoonis Aadan Xasan ayaa gaarey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wafdiga waxaa soodhaweeyey Maamulka Degmada Diinsor, Saraakiisha Ciidanka, iyo Ururada Bulshada Degmada.

Socdaalka Wafdiga ayaa ku qotoma u kuura gelidda Xaaladda Amniga, Saamaynta Abaarta iyo wax ka ogaanshiyaha Baahiyaha ay qabaan Bulshada Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa kulamo la bilaabay Maamulka degmada Diinsoor iyo Saraakiisha Ciidamada, iyaga oo wada diiwaangelinta Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.