Home Afsomali Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Shir Uga Qayb-Galaya Dalka Itoobiya

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Shir Uga Qayb-Galaya Dalka Itoobiya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pekos iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Addis Ababa,kusoo dhoweeyey Qunsulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ahna ku-simaha Safiirka Mudane Cali Maxamed Xuseen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxay Addis Ababa uga qayb gelayaan Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dowladnimada Geeska Afrika oo ka furmaya magaalada Addis Ababa, Wasiir Pekos waxaa socdaalkiisa shaqo ku wehelinaya Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalam Suleymaan Koodaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.