Home Afsomali Wafdi ka socda Mareykanka oo hargeysa u tagaya khilaafka Xukuumadda & mucaarada

Wafdi ka socda Mareykanka oo hargeysa u tagaya khilaafka Xukuumadda & mucaarada

 

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Magaalada Hareysa ay soo gaaraan Wafdi ka socda dowladda Mareykanka, kuwaas oo horay magaalada Hargeysa dhowr jeer u tegay.

Wafdigaan ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in xubnaha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ay kala hadli doonaan sidii dib loogu dhigi lahaa banaanbax ka dhanka ah Xukuumadda Somaliland ee mucaaradku qorsheysteen.

Mucaaradka Somaliland ayaa hore u hakiyay banaanbax ay shacabka u balan qaadeen, iyaga oo sheegay inay u tanaasuleen Ergadii dhex-dhexaadinta labada dhinac.

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad isugu dhawaa dowladda Mareykanka iyo Somaliland wixii ka dambeeyay markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu tegay dalka Mareykanka, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo uu kamid yahay iskaashiga dhanka Amniga.

Previous articleCiidamada liyuu Boolis oo xir xiray Dhalinyaro & Ganacsato kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed
Next articleHamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.