Home Afsomali Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirweynaha Jaamacadda Carabta

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirweynaha Jaamacadda Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana Shirka ku wehlinaya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh.

Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif inta uu ku suganyahay Magaalada Qaahira waxa uu kulamo doceedyo la qaadan doonaa Wasiirada dhigiisa ee dalalka carbeed ee ka soo qeybgalay shirka iyo Dowladda Masar oo ay kawada hadli doobaan xoojinta xiriirka labada Dal.

Previous articleXilliga la qabanayo Shirweynaha Madaxda Afrika & Ruushka oo la shaaciyey
Next article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.