Home Afsomali Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr Workneh Gebeyehu, iyada oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay soo dhaweeyeen.

Xoghaye Dr Workneh Gebeyehu ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dowladda Soomaaliya , saaxiibada caalamka iyo dhinacyada mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulamada ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ku saabsan doorashooyinka gaar ahaan caqabadaha horyaalla doorashada iyo sidii deg deg loogu dhameystiri lahaa.

Beesha Caalamka ayaa ku dadaaleysa sidii Soomaaliya uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah loogana gudbi lahaa caqabadaha taagan.

Dhan ka kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.