Home Afsomali Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo Reer Qardhoowka kala kulmay soo dhaweyn aan caadi...

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo Reer Qardhoowka kala kulmay soo dhaweyn aan caadi aheyn ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Qardho kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabka isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adeegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taagerdiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dhagax dhigay dhismaha faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Qardho oo ay hirgelinayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro heer Federaal ah iyo heer Gobolleed, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah socdaaka nabadda ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ku socdaalayey dhanka dhulka inta uu ku guda jiray safarkiisa manta ayaa ku hakaday magaalooyin iyo deeganno ka tirsan Gobollada Nugaal iyo Bari, isagoo shacabka salaamayey xaaladahooda nololeedna ka waraysanayey

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay waddo isku xiri doonta Dangorayo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kahor intii aanay gaarin Degmada Qardho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.