Home Afsomali Wafdigii U Horeeyay Ee Ka Socda Dowladda Itoobiya Oo Gaaray Gobolka Tigray.

Wafdigii U Horeeyay Ee Ka Socda Dowladda Itoobiya Oo Gaaray Gobolka Tigray.

Jowhar.com)-Waxaa caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle ka dagay Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya Tagese Chafo, iyadoo halkaa ay wafdiga ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta u sarreysa TPLF, ee gacanta ku haya maamulka gobolka Tigray.

Ujaaddada socdaalka wafdigan ee magaalada Maqale ayaa lagu sheegay inay u kuurgeli doonaan qaabka uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay wada galeen dowladda iyo TPLF.

Socdaalka Wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in maalmaha soo socda ay Maqalle gaaraan Wafdi ka socda Midowga Afrika oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuro Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.