Home Afsomali Wafuud ka kala socoto waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo...

Wafuud ka kala socoto waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga oo Muqdisho kula kulmay RW Kheyre

62c942f9-9027-4bc6-90bd-ee0512da0717

 

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rejada wanaagsan ee jirta iyo dawrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay, iyada xubnaha wafdiga qaarkood oo sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, iyaga oo ballan qaaday warbixinta horumarka ay dalka ku arkeen gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula ballamay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Soomaaliya.

 

aa8ef183-880c-4c95-ba25-25302678378b
b3adda01-3105-4640-90ef-d455825f4b1d
62c942f9-9027-4bc6-90bd-ee0512da0717

—DHAMMAAD—-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.