Home Afsomali Waqtiga la furayo Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera

Waqtiga la furayo Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera

Saldigga Militari ee Imaraadka Carabta  ayaa la filaya in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan waxaana la filaya in halkaasi lagu rakibo qalab taageeraya ilaalinta biyaha Somaliland.
Sidaana waxa lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week, taasi oo uu Wargeyska Waaberi kasoo xigtay qayb kamid ah,waxaana lagu sheegay war-bixintaasi in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha Juun, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland .
Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay safiirkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda.
  “ Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan – Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, “ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.