Home Afsomali War deg deg ah Cabduqaadir Nadaara oo dadka walaac ku beeray ka...

War deg deg ah Cabduqaadir Nadaara oo dadka walaac ku beeray ka dib qormadiisaan

Maraykanka ayaa goordhaw kadajiyay muqdisho ciidamo sigaar ah utababaran oo lasheegay inay ilaalin doonaan amaanka siyaasiyiinta kaqaybgalaya shirka ay beesha caalamka qorshaynayso inuu bari furmo.

Qorshaha maraykanka ayaa yimid kadib markii safaaradooda Muqdisho ay heshay xog ku saabsan inay dawladu doonayso inay ciidamada Haramcad ku car qaladayso shirka barito ka furmaya shirka Teendhada afasiyooni.

Madaxweynaha Puntlad saciid Dani waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, midaasi oo uu ku tilmaamay inay arrintaas lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xili ay ku sugnaayeen hutel Ma’ido.

“Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da,” ayuu yiri.

Dhinaca kale Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay arrin saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayey, midaasi oo la xiriirtay in garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade la geeyay ciidamo hor leh.

Xijaar ayaa sheegay inaysan jirin wax ciidamo hor leh oo lagu daabulay garoonka Aadan Cadde, kadib markii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu saldhigga garoonka hoos geeyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-banaan.

Saraakiisha Qaabilsan Amaanka Musharixiinta oo degen agagaarka garoonka ayaa sheegay in ciidamadooda ay heegan geliyeen islamarkaana ay ka hortagi doonaan daan daansi kasta oo iga yimaada dhica dawlada.

Hadaba maxaa dhici doona Saacadaha soosocda?

Allaw sahal umuuraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.