Home Afsomali WAR DEG DEG AH Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay...

WAR DEG DEG AH Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgadud

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgadud Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.

Dagaalka oo socday muddo kooban ayay Ciidamada u suurta gashay in ay degaanka la wareegaan.

Dagaal xooggan ayaa waxa uu ka socdaa deegaan u dhaxeeyo Wabxo iyo sidoo kale degmada Ceelbuur oo ay ku xoogan yihiin Al-shabab.

Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ayaa waxay shegeen in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Wabxo oo qiyaastii 46 kiiloo mitir u jirta Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

maanta ayay gareen Ciidamo ka tirsan dolwada degaano u dhaw deganka wabxo waxana maalmihii danbe halkaasi lagu daabulayay Ciidamada degaanka iyo kuwa dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.