Home Afsomali War Deg Deg Ah: Duuliye Muuse Biixi Cabdi oo Noqday Madaxweynaha cusub...

War Deg Deg Ah: Duuliye Muuse Biixi Cabdi oo Noqday Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo hadda ku dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtooyada ka dhacday dalka, ayaa shaaciyey inuu ku guulaystay , Muuse Biixi Cabdi oo noqday Madaxweynaha shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada doorashadii dhacdey 13 Nofeembar ee loogu tartamey Madaxweynaha Somaliland.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Cabdulqaadir Iimaan Warsame ayaa ku dhawaaqey natiijada, waxaana natiijadu noqotey codad ka yar dadkii markii hore is diiwaan geliyey oo kor u dhaafayey 700 000 oo kun oo cod.

Xisbiga Kulmiye  ayaa helay  305 909  kun oo cod u dhiganta 55% codadkii ladhiibtey

Xisbiga Waddani ayaa ku soo xigey oo helay 22 6092 cod oo u dhiganta 41%

Xisbiga UCID ayaan helin codad badan waxaana uu dhaafi waayey 23 241 cod oo keliya oo u dhiganta 4%.

Goobta natiijada looga dhawaaqayey waxaa ku sugnaa Xisbiga Kulmiye oo keliya, waxaan imaan labada xisbi ee kale ee tartamey, mana jirto wax saxiix ah oo ay siiyeen, inkasta oo Faysal Cali Waraabe soo dhaweeyey natiijada.

Natiijada waxaa qaadacay Xisbiga Waddani waxaana ay sheegeen in doorashada lagu shubtey oo aysan ahayn xalaal waxa ka soo baxay.

Muuse Biixi Cabdi ayaa isu diyaarinaya in uu noqdo Madaxweynihii shanaad ee Somaliland.

Musharixii Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa shir degdeg ah isugu yeedhay hoggaamiyaasha xibigiisa, waxaana ay ka tashanayaan jawaabta ay ka bixinayaan natiijada guddiga doorashadu ku dhawaaqey.

Marka la kala jaro tirooyinka ay kala heleen labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI waxa uu xisbiga KULMIYE dheeryahay oo guushu ku raacday codad tiradoodu dhan tahay 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.

Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% codadkii la dhiibtay..

Hadaba waa kuma madaxweynaha cususb ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isaga laftigiisa ayaa taariikhdiisa oo kooban

 

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.