Home Afsomali War deg deg ah caadanka qaranka oo gacanta ku dhigay Sayid Cali...

War deg deg ah caadanka qaranka oo gacanta ku dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo baxsad ahaa oo la oo qabtay

Ciidamada amaanka deegaanka Cadale ee maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo baxsad ah, kaasi oo loo heystay falkii foosha xumaa ee sababay in ay ku geeriyooto xaaskiisa Luul Cabdicasiis. Luul Cabdicasiis waxaa si xun u dhaawacmay ka dib markii ninkeeda uu dhawaan dab qabadsiiyay, waxayna ku geeriyootay isbitaalka 2-dii February, 2024-ka.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ayaa goordhoweyd gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad-sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Allaha u naxariistee, Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib dhaawacyo daran oo kasoo gaaray dabka la sheegay inuu qabad siiyay ninkii qabay ee maanta lasoo qabtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay, iyaada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, ayaga oo qoyska uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

Si dhab ah looma oga illaa hadda sababta ka dambeysa falkaan argagaxa leh ee uu kula kacay xaaskiisa, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay salka ku hayso arrimo masayr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.