Home Afsomali War deg deg ah Full VIDEO Gen Cali gaab oo ka...

War deg deg ah Full VIDEO Gen Cali gaab oo ka badbaaday Qarax sababay dhimsho iyo dhaawacyo kala duwan

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa qarax lala beegsaday Gaari uu leeyahay Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cali Bare Xersi ( Cali Gaab) xilli uu marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Xarunta wakaalada Biyaha,waxaana qaraxaas uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Taliye Cali Gaab oo qaraxaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gaariga xilliga qaraxa lala beegsanayay uu geeyay Xafiiskiisa Shaqada,hayeeshee uu soo doonay sarkaal kale balse la qarxiyay.

Waxaa uu xaqiiyay Taliye Cali Gaab in qaraxaasi uu ku dhintay mid kamid ah ilaaladiisa oo lagu Magacaabi jiray Xamzo Xasan Axmed Mooge,halka ay ku dhaawacmeen saddex Askari oo kale,kuwaas oo xaaladooda Caafimaad haatan lala tacaalayo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in isaga uu Caafimaad qabo,isla markaana xilliga gaariga la qarxinayay uu joogay Xafiiskiisa Shaqada aadna uga xun yahay dhibaatada gaartay ilaaladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.