Home Afsomali War deg deg ah Madaafiicda hoobiyaha oo geysatay qasaaro ayaa ku hoobtay...

War deg deg ah Madaafiicda hoobiyaha oo geysatay qasaaro ayaa ku hoobtay gudaha madaxtooyada dharaar cad

Dhawaqa dhiilada leh ee aambalaasta ayaa is qabsaday ka dib markii  ilaa sadx saalbo oo madaafiicda hoobiyaha xaafadaha u dhowdhow madaxtooyada iyo sida wararka qaa ay sheegayaan in ay madaafiicdu gaartay

Sida ay warar qaarkood sheegayaan waxaa jira burbur soo gaaray xarinta baarista danbiyada iyo goobo kale oo u dhow dhow.

Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo kuwii ka horeeyay oo ku yaala Albaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacntay waxayna wararka qaar ay sheegayaan in ay jirto dhimasho soo gaartay dad shacab oo Guryahooda madaafiicda qaar ay ku dhacday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere, iyo sidoo kale Guriga Guddoomiyihii horeee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda kuna dhaw Guriga Golihii hore ee Wasiirada Soomaaliya.

Dhanka kale Afayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim “C/casiis Xildhibaan” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto Siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo hor-jeeda.

Afayeenka ayaa sheegay mas’uuliyiinta amniga ee Hay’adaha Dowladda isku afgartayn in la siiyo cafis siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda,hadii ay mar dambe u laabtaan falal la xariira qaran Dumis-nimo ay Dowladda talaabo ka qaadi doonto.

Sidoo kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, sidaas darteedna ay Dowladda sharciga la tiigsan doonto dadka ku mashquulsan Duminta Dowladda.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ma aysan cadeynin cidda ay cafiska u sameyn doonaan ee qal qal giliyay Siyaasadda Soomaaliya, balse hadalkaan ayaa u muuqda mid ku socda Siyaasiinta Soomaaliya ee mucaaradka ah, gaar ahaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.