Home Afsomali War deg deg ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo u Safray Dalka...

War deg deg ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo u Safray Dalka Ingiriiska

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo u Safray Dalka Ingiriiska
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka xariirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Ingiriiska waxa uu kulamo la qaadanayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo uu kala hadlayo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.
Himilooyinkeeda tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.