Home Afsomali War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen musharaxiinta kuraasta, Odayaasha dhaqanka, iyo...

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen musharaxiinta kuraasta, Odayaasha dhaqanka, iyo Bulshada rayidka ah ee HOP#239 iyo HOP#237.

https://youtu.be/ZCnTclfPHXQ

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
29 Octobe, 2021.
Ujeeddo: War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen musharaxiinta kuraasta, Odayaasha
dhaqanka, iyo Bulshada rayidka ah ee HOP#239 iyo HOP#237.
Ku: Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.JJFS
Ku: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta
Og: Gudiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federaal.
Og: Gudida Xallinta Khilaafaadka ee doorashada.
Og: Wasiirka Amni JFS
Og: Wakiilada beesha caalamka.
Og: Golaha wadatashiga Qaran
Og: Midawga Musharaxiinta
Xalay 1dii habeenimo (7-saac) waxa website-yada iyo social media ha Radio Muqdisho, lagu
baahiyay wargelin sheegaysa in doorashadii labada kursi ee kor ku xusan la qabanaayo,
Araajidana lagu soo gudbiiyo Jimcaha iyo Sabtida.
Anagaa oo warkaas ka fal celinayna, waxa aan leenahay:
1. Waxa aannu umadda Soomaaliyeed, bulshada caalamka iyo cid kasta oo ay khusayso
u caddaynaynaa in warkaasi aanu ahayn mid gudida doorashada ee Gobolada
Waqooyi u dhantahay, Gudida oo aannu la hadalnay waxa ay saaka noo sheegeen in
iyagu ba ay media ha uun ka arkeen, taas oo baal marsan habraaca Golaha
wadashadiga Qaran.
2. Warkaas kolkii aanu dabagal ku samaynay, waxa noo caddaatay in labada nin ee
muddo xileedkoodu dhamaaday ay doonayaan boob iskuna koobeen awoodi.
3. Waxa aannu cadaynaynaa in qaabka boobka ah ee labadan kursi loo maamulayaa uu
ka baxsanyahay qawaaniinta iyo curfiga doorashada, isla markaana aanu ogaanay in shaqadii Gudida Doorashada ay la wareegeen Mahdi Guuleed iyo Biixi Iiman, iyada
oo Mahdi Guuleed uu uga faaidaysanayo boobkaas, qalinka u hayo xukuumada
xilgaadhsiinta,
4. Waxa kale oo aanu shacabka iyo dadka ay khusayso u cadaynaynaa in xaruntii gudida
doorashada loo afduubay hoyga ay ka dagan yihiin Gudoomiyaha Maxkamada Sare
Baashe Yuusuf Axmed iyo Raysal wasaare ku xigeenka xukumada xilgaadhsiinta
JFS. Gudoomiye Baaashe oo ah shaqsiga cadaalada dalka ugu sareeya uu qayb ka
yahay boobka labadaas kursi.
Haddaba qodoba aan kor ku soo xusnay waxa ay iskugu soo biyo shubanayaan:-
A: In Mahdi Guuleed uu u baratami karo oo kaliya Kursiga #HOP254 oo uu hadda ku
fadhiyo Xil. Jaamac Askar.
B: Kursiga #HOP254 oo barlamaanku u asteeyay jifada Dhamal Aadan, oo Mahdi Guuleed
iyo Jaamac Askar ay ka soo wada jeedaan.
C: Kursaga #HOP239 aanu xaq u lahayn kana tartami Karin Mahdi Guuleed jifadiisu, lagana
hor istaagay musharixiintii ka soo jeeday jufooyinka kursiga iska leh ee Baha-duqdi iyo
Gaashaanbuur.
D: Kursiga #HOP237 isla loo xidhay Bixi Iiman iyada oo laga hor isaatagay musharixiintii
kale kursiga la lahayd, xaqna u lahaa in ay la tartamaan.
Ugu dambayn anagoo cabashoyin hore usoo gudbinay Xafiiska Raysal wasaaraha, Wasiirka
arimaha gudaha iyo dib u heshisiinta, Wasiirka Amni, iyo Dhamaan gudiyada doorashada
heer Fadaraal iyo Heer goboleed, sidaa daradeed cawaaqib xumada ka dhalata waxa
masuuliyadeeda qaadayaa Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ah masuulka u
sareeya ee cadaalada iyo amniga doorashada, si gaar ahna u korjoogtaynaya doorashada
Gobolada waqooyi Somaliland.
Sidaa daradeed waa in si degdeg ah loo joojiyaa is doorashada labada kursi ilaa khilaafkan
taagan xal looga helaaayo.
Wa bilaahi tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.