WAR SAXAAFADEED Garoowe-Puntland Waxaa oo ay taariikhdu tahay 01/01/24, shir degdeg ah isugu yimid, Musharrixiinta Madaxeynenimada Puntland, waxayna uga wada hadleen liiska been abuurka ah ee Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaadka yahay uu xalay soo saaray. Sida uu uu caddeeyay
Guddoomiyaha Guddiga xallinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaanada liiska ayaan haysan
sharciyadda hab-raacii rasmiga ahaa ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbisan araajididii
saxda ahayd. Musharrixiintu waxay kulan la qaateen guddiga amniga doorashada ayna
kawada hadleen liiska soo baxay. Guddigu waxay ballan qaadeen inaan liiska lasoo saaray loo
gudbin doonin dhaarinta ilaa xal laga gaaro.
Musharrixiintu waxay la socdaan inay dhaarintii socoto. Sidaa darteed Musharrixiintu waxay
soo saarayaan qodobbadan:
1- Musharrixiintu waxay shacabka reer Puntland u caddaynayaan inaysan aqoonsanayn
liis baal marsan habraacii lugusoo xuli jiray xubnaha Golaha Wakiillada.
2- Mushaarrixiintu waxay kaloo caddaynayaan inaysan doorasho ku galayn liiska
sharicidarrada ah ee soo baxay.
3- Musharrixiintu waxay uga digayaan Madaxweynaha maalmuhu u dhimman yihiin
inuusan dalka u horsedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, uuna isagu
qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.
Magacyada musharrixiinta soo saaray :
1- Dr Cabdiweli Maxamed Cali
2- Amb Axmed Ciise Cawad
3- Gen Asad Cismaan Cabdullahi
4- Xasan Shire Abgaal
5- Faarax Cali Shire
6- Maxamed Cabdirahman Faroole
7- Maxamuud Ibraahim Xayir
8- Cumar Ismaacill Waaberi
9- Dr Guuleed Salax Barre
10- Cali Gaashaan Cali
11- Aadan Sheekhdoon Cali
12- Dr Maxamuud Maxamed Mashruuc
13- C/ladiif Muse Nuur (Sanyare)
14- Eng Maxamuud khalif Jabiye
Home Afsomali WAR SAXAAFADEED Garoowe-Puntland Waxaa oo ay taariikhdu tahay 01/01/24, shir degdeg ah...