Home Afsomali WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha maamulka Soomaliland oo Magacaabay Gudoomiyeyaal Gobolo horle

WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha maamulka Soomaliland oo Magacaabay Gudoomiyeyaal Gobolo horle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5177/102017 uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiyaha Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne. 

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

 

In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )

 

In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )

 

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada. 

ALLAA MAHAD LEH

      Axmed Maxamed Silanyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.