Home Afsomali Warar is khilaafsan oo ka soo baxayso Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Jabuuti

Warar is khilaafsan oo ka soo baxayso Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Jabuuti

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in u xanuun soo wajahay Madaxwenaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, hayeeshee waxaa beenisay Warkaas Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti.

Qoraal uu bartiisa twitter-ka ku baahiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf, ayaa wuxuu ku beeniyay wararka sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay liidato.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha lagu samaynayo baaritaan caafimaad “sababtuna ay tahay nasasho la’aan maadaama uusan dalka ka bixin xagaagii oo dhan.”

“Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jiro walwal gaar ah oo la qabo” Ayuu wasiirka raaciyay.

<span;>Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxa la isla dhex qaadayay warar sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu ay liidato oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.