Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood

Wararkii ugu dambeeyay dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood

Waxaa wali magaalada Laascaanood eeXarunta Gobolka Sool ka socda dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada iyo kuwa deegaanka, kaas oo galay Maalintii Afaraad.d.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali dhawaqa rasaasta culus laga maqlayo duleedka magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay magaalada ka go’een biyihii ka dib markii goobtii keydka biyaha ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

Waxaa dhanka kale sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, xilli inta badan dadkii magaalada deganaa ay halkaasi ka qaxeen

Xukuumadda Somaliland ayaa horay u sheegtay in Magaalada Laas-,Caanood ay kula dagaalameyso Kooxo Argagaxiso ah, balse goobo dhowr ah lagala wareegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.