Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Laas-Caanood

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Laas-Caanood

Dagaal xooganaa una dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada degaanka ee la Magac baxay SSC ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka oo xoogiisa uu ka dhacay Bariga Magaalada Laas-Caanood ayaa ka dambeeyay kadib markii dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay sameeyeen Ciidamada Somaliland, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan 4 Saacadood qaatay, kaas oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, sidoo kalena Hoobiyeyaal ay ku dhaceen Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah.

Dagaalka Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Somaliland looga dabaa degayo 18-ka Bisha May oo ah markii Somaliland ay ku  dhawaaqday inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.