Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda degaan katirsan gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda degaan katirsan gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa waxaa uu weli ku dhexmarayaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ee loo yaqaano macawiisleyda & Al-Shabaab degaannada Dhoqor iyo Baarrey oo qiyaas 40Km u jiro Baladweyn dhanka Halgan iyo Buulla-Burte,

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoreynta Gobolka Hiiraan oo ka warhelay Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca wabiga, waxaana dadka degaannada lagu dagaalamayo ay sheegayaan in dagaalka uu yahay id aad u xoogan.

Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa Risaala u sheegay in guulo ay ka gaareen weerarka ay ku qaadeen Goobaha ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ilaa ay ka saarayaan gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo weli ku sugan furimaha dagaalka ayaa ciidanka Dib-u-xoreynta ugu Hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab la galeen oo ka dhacay degaannada Ceel-hareeri iyo deegaanno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.