Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay howlgallo ka socda duleedka Xarardheere

Wararkii ugu dambeeyay howlgallo ka socda duleedka Xarardheere

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa howlgallo xoogan ka sameeyay degaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan ay la wareegeen.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo weerar ku qaaday deegaanka Bacadka faarax Aadan iyo degaan kale oo dhanka qorrax u dhac kaga beegan degmada Xarardheere masaafo 10 KM ayaa waxaa ay dagaal la galeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa Risaala u sheegay in khasaaro xoogan ay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen howlgalka, isla markaana ay sii wado doonaan ilaa laga saarayo degaannada hoostaga degmada Xarardheere.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in howlgalka ay qeyb ka ahaayeen diyaarado dagaal, kuwaas oo duqeeyay fariisimaha ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab, waxaana saaka goobihii lagu dagaalamay weli howlgallo ka wada Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.