Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Beledweyne

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Beledweyne

Dagaal kooban ayaa afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa uu Maanta ku dhexmaray Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Madaxda Hir-Shabeelle ee ku sugan Xerada lamagalaay iyo Ciidamo kamid ah kuwa ilaalada qaar kamid ah musharixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Afaafka hore ee Xerada lamagalaay ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabeen maleeshiyaad ku labisan Tuutaha Ciidanka, kuwaas oo ka careeysan in Shaqsi loo xiro Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirisaaq Maxamed (Jindi).

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen laba Ruux oo mid Shacab yahay iyo hal Askari halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, kuwaas oo la geeyay dhaawacooda Ibitaalka Magaalada Beledweyne.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Maanta aad u kacsan, waxaana maalmihii la soo dhaafay magaalada beledweyne laga dareemayay saan saan dagaal kadib markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa ay isku khilaafeen hanaanka loo marayo doorashada kuraasta taalla Magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.