Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee maamulka Puntland

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee maamulka Puntland

Cabdinuur Maxamed Farey oo kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka xoogan ee u dhexeeyo madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Farey oo u waramay Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay ku jirto xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay is faham waaga ka dhashay doorashooyinka iyo dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in Puntland oo ah hooyada federaalka la’isku qabto mustaqbalkeeda.

Siyaasiga Cabdinuur Maxamed Farey ayaa intaasi kusii daray in aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono xalka Puntland, maadaama ay isku cakirran xaaladda maamulkaasi

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo ay sii hurisay tallaabadii ay shalay qaadeen xildhibaamada Golaha Wakiilada maamulkaas oo ansixiyay wax ka beddalka illaa 7 qodob oo kamid ah dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.