Home Afsomali Wararkii ugu danbeeyay diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha

Wararkii ugu danbeeyay diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha

Guddiga qaban-qaabada musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa iyo hada si rasmi ah isku diiwaangaliyeen ilaa afar musharax oo soo buuxiyay sharuudaha laga doonayo qofka u tartamaya xilka madaxweynaha.

Sidoo kale gudiga ayaa sheegay in ay jiraan musharixiin u timid oo su’aal ka weydiiyay sharuudaha leysaga baahan yahay iyo macluumaad kale oo doorashada la xiriira, kuwaa oo laakiin aan is diiwaangalin dibna uga laabtay goobta doorashada.

Maalintii shalay waxaa shaaciyay in uu isaga haray tartanka ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Prof Max’ed Cali Geedi oo sababaha tanaasulkiisa ku micneeyay in uu u olaleyn doono isbadal dhinaca hogaanka ah oo dalka ka hanaqaada.

Sharuudaha qofka musahraxa ah laga doonayo ayaa waxaa ka mid ah lacag dhan $ 30, 000 doolar oo la oran karo waa sharuuda ugu weyn ee laga yaabo in ay meesha ka saarto hankii ay qabeen musharixiin dhowr ah oo horay u shaaciyay in ay kursiga u tartamayaan.

Maalinta beri ah iyo maalinta xigta ee Axad ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29ka bishan Janaayo ayaa la filayaa in ay sii socto is diiwaan-galinta musharixiinta, waxaana lagu tilmaamayaa in labadaa maalmood noqon doonaan kuwa aad ay mashquul u yihiin guddiga madaama wixii maalinta Axad ah ka danbeeya aan la qaban doonin araajida musharixiinta.

Wax yaabaha xiisaha leh ee jadwalka doorashadan ku dhax jira waxaa ka mid ah in 31ka bishan loo asteeyay maalin ay dood furan yeelan doonaan musharixiinta oo waa mid walba oo ka mid ah dadka la wadaagi doono waxa uu musharaxa kale uga gadisan yahay.

Ugu danbeyntii, guddiga doorashada ayaa kalsooni weyn ku qaba in howlaha oo idil ku soo dhamaan doontaa waqtiga ay ugu talagaleen ee jadwalka ku qoran.

C/raxmaan Diini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.