Home Afsomali Wararkii Ugu Danbeeyay Qarax Ka Dhacay Buundada Isku Xirta Ruushka Iyo Crimea

Wararkii Ugu Danbeeyay Qarax Ka Dhacay Buundada Isku Xirta Ruushka Iyo Crimea

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa loo sheegay “xaalad deg deg ah” ee buundada Crimea.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin amar ku bixiyay in la sameeyo guddi dowladeed oo baara dhacdadan.

Peskov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Interfax: “Madaxweynuhu waxa uu faray ra’iisul wasaaraha inuu soo dhiso guddi dowladeed oo soo caddeeya sababaha keenay dhacdadan”.

Waxa uu intaa ku daray in wasiirka gaadiidka Vitaly Savelyev iyo wasiirka xaaladaha degdegga ah Aleksandr Kurenkov ay u socdaalayaan goobta uu shilku ka dhacay.

Bundadan ayaa ah isku xirka kaliya ee ka dhexeeya Ruushka iyo jasiiradda Crimea, oo ay Moscow si sharci darro ah ula wareegtay 2014-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.