Home Afsomali Wararkii ugu danbeeyay Toogasho sababtay khasaaro badan oo ka dhacday Kaniisad

Wararkii ugu danbeeyay Toogasho sababtay khasaaro badan oo ka dhacday Kaniisad

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 10 kalena wey ku dhaawacmeen Toogasho xalay oo Jimco aheyd ka dhacday Kaniisad ama Majmac Yuhuudi oo ku yaalla Deegaanka Neve Yaakov ee Bariga magaaladda Quddusta La-haysto  ama Jerusalem.

Booliska Israa’iil ayaa waxaa sheegeen in Ninkii weerarka geystay la dilay,  xilli uu doonayey inuu baxsado, waa sida ay hadalka u dhigeen.  Adeega Ambalaasyada ee The Magen David Adom ambulance service waxay xaqiijiyeen inay 5 meyd ka qaadeen goobta ay toogashada ka dhacday.

Taliyaha Booliska Degmada Quddus, Doron Turgman oo Weriyayaasha la hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in 2 qof oo dhaawac ahaa ay geeriyoodeen,  isagoo xusay in Tirada Guud ee dhimashada ay gaartay 7 qof.

Wasiirka Difaaca ee Israel, Yoav Gallant oo Socdaal khaas ah (a personal trip) ku joogay Mareykanka waxaa uu si degdeg ugu soo laabtay Israa’iil, kadib, weerarka ka dhacay Quddusta La-haysto.

Si kastaba ha ahaatee, Toogashada ka dhacday Bariga Quddus waxay ku soo beegantay iyadoo la aasayey 9 Muwaadiniin Falastiiniyiin ah oo ay Askarta Israel shalay ku dileen Iska-horimaad ka dhacay Xerada Qaxootiga ee magaalladda Jeniin ee Daanta Galbeed ee Dhulalka La-haysto ee  falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.