Home Afsomali Warbixin Afduubka Kaalkaaliso caafimaad oo u dhakatay dalka Jarmalka oo ka dhacay...

Warbixin Afduubka Kaalkaaliso caafimaad oo u dhakatay dalka Jarmalka oo ka dhacay Muqdisho

Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo aheyd Kalkaaliso caafimaad ayaa fiidnimadii xalay waxaa laga dhex afduubtay xarunta Hay’adda ICRC ee Magaalada Muqdisho, waxaana Haweeneydan ay Muqdisho u joogtay howlo shaqo mudo ku siman laba Isbuuc.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis (Xildhibaan) oo la hadlay saxaafada  ayaa xaqiijiyay afduubkan, wuxuuna tilmaamay in ay ka dambeeyaan qaar ka tirsan ilaalada Hay’adda oo gaari kula baxsaday Haweeneyda, balse markii dambe Hay’adaha ammaanka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan gaariga.

Ciidamada ammaanka ayaa markii ay ka war heleen Afduubkaasi waxa ay ka daba tageen gaarigii lagula cararay Haweeneyda, waxaana ay gacanta ku soo dhigeen gaadiidka Hay’adda, meel aan ka fogeyn Tarbuunka, oo ku dhaw xarunta ICRC.

“Markii Ciidamadeena ay ka war heleen in afduubkaas uu ka dhacay gudaha xarunta oo ay geysteen ilaalada, Ciidamadeena waxaa u suuragashay in ay gacanta ku soo dhigaan gaariga, balse Dableyda gaari kale ayay kula baxsadeen gabadha, laamaha amniga ayaa ku daba jira raggan.” Ayuu yiri C/casiis (Xildhibaan).

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaano arrintan ku saabsan.

Hay’adda ICRC xarunteeda Magaalada Janeva ee dalka Swizerland ayaa soo saartay war-saxaafadeed lagu cambaareeyay falkan, oo ay ku xaqiijiyeen Afduubka Haweeneydan, waxaana ay Hay’addu sheegtay in Gabadhaasi ay Muqdisho u joogtay caawimaada dadka dhiban.

Kuxigeenka Madaxa Hay’adda ICRC ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladeeda caafimaad iyo nolosheeda, faah faahin intaas ka badana aysan bixin karin.

Xarunta ICRC ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa la wareegay laamaha amniga Dowladda Federaalka, waxaa jira shaqaale kale oo Ajaanib ah oo ku jiray xarunta markii uu afduubka dhacayay, lama oga ilaa hadda sababta ka dambeysa inuu dhaco Afduubka Haweeneydan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.