Madaxtinimadda Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haatan 8 bilood jir ah, waxaa durbadiiba Maamulkiisa soo wajahday Xiisadii ugu horreysay oo ah mid ay iyagu sameeyeen.
Websaytka Wargeyska Huffington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa lagu qoray Maqaal dheer oo Cinwaankiisu yahay: Yaa Xaqiiqdii maamula gudaha Muqdisho?.
Caqabadda ugu weyn ee ka soo wahaysa Dowladda cusub ee Somalia ayaa noqon karta mid Gudaha ah, inakstoo aysan jirin wax sahal ka ah gudaha Somalia.

Wixii Arrintan oo kale waxay aragti ahaan noqon kartaa Fadeexad Run ah, si fududna uma noqon karto cillad ama Xadgudub Qaanuuni ah.
Soomaalida weli si dhab ah ugama so okabanin dhibaatadda Waddanlooda burburiyey iyo masiibooyinkii laga dhaxlay dagaalkii sokeeye, Faragelinta Milliteriga Ethiopioa oo noqotay dhaawac aan weli bogsanin, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhiga qabsadeen Ciiddamo Ethiopian ah.
Maqaalka lagu soo daabacay Websaytka Wargeyska Huffington Post waxaa kaloo lagu xusay in Maamul-gobaleedyadda iska soo horjeeda bixiyaan dhamaan Sirta Qaranka, waana dhibaato weli ka dhex muuqata maskaxda Qaranka.
Arrintaasi waxay u muuqataa inay qeyb ku lug yeelan karto dib-u-eegista Madaxweynaha ee hadalkiisa, ka hor intaysan Ethiopianka la helin dhibaatayntaasi oo kale.
Xitaa Sannado badan Soomaalida waxay ahaayeen kuwo la noolaa sumcad-xumida Caalamiga ee Somalia loogu yeero dal guul-daraystay.
Sannado kadib, oo ay dadaal u galeen inay mar kale dib u dhistaan Qarankooda waxay dhacdadan sare u qaaday su’aalaha muhiimka ee la isku weydiinayo in Muwaadin Soomaali si dhaqso leh loogala baxo dhul Soomaaliyeed, iyadoo ay xitaa Dowladda qeyb ka tahay arrintaasi.
Waxayna arrintan ka dhigi kartaa inay dad badan la yaabi karaan haddii uu dalkooda hooyo weli yahay meel ay ka jirto Xorriyad iyo Dowlad shaqeynaysa.
Dad badan ayaa waxay Rajo Sare ka qabeen Dowladda Cusub ee Federalka, balse haatan waxay ka qabaan shaki.
Dhiibistii C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” ayaa noqotay Tijaabadii dhabta ee ugu horreysay Madaxweyne Farmaajo, balse, xilligan waxa uu u muuqdaa inuu ku fashilmay arrintaasi.