Home Afsomali Warbixin muhiim ah Dabeylaha Pawan Oo Ku Dhufatay Soomaaliya

Warbixin muhiim ah Dabeylaha Pawan Oo Ku Dhufatay Soomaaliya

Dabeysha pawan ayaa sabtida manta ah soo gaartay kuna dhufatay magaalooyin ka mid ah dalka. Dabeysha waxey ka timid qeybta sare ee koofur gal-beed ee badda carabta iyadoo ku socota xawaare ka badan 56 km/h. Dowladda soomaaliya gaar ahaan qeybta digniinaha hore ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta musibooyinka ayaa ogaatay in duufaanta usoo weecatay dhinaca jihada soomaaliya goor dambe oo jimcihi ah. Cabsida jirta ayaa ah in cufka dabeyluhu ay tahay mid xooggan uuna isa soo taro xooggeeda markasta oo duufaanta tiimaado soo-maaliya. Duufaanta ayaa lagu soo waramayaa in ay durba saakay ku dhufatay magaalooyinka qaar ee puntland. Sida ku cad jaantuuska idiin muuqda, duufaanta ayaa ku soo durgeysa magaalooyin kale sida burtinle, gaalkacyo iyo jarriiban oo ka mid ah puntland waxaase la filayaa in uu is dhimo xowliga ay dabelaha ku socdaan marka ay ka soo gudbaan magaalaa eyl.

Dabeylaha pawan oo ku dhufatay soomaaliya

Wasaaradda gargaarka & maareeynta masiibooyinka dowladda federaalka soomaaliya

Warbixin dabeylaha pawan 

Magoolooyinka dhaca xeebaha ee ka mid ah goballada nugaal, mudug iyo bari qeyb ahaan ayaa ah meelaha ay cabsida weyn ka jirto. Magaalada eyl ee hoos timaada gobalka nugaal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’antahay isgaarsiinta taasoo ay keentya markii ay dabeyluhu dhulka dhigeen waayarada is gaarsiinta goor dambe oo jimcihi ah.

Wararka aan ka heleyno magaalada waxey ku soo wara-mayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka degaanka. Dhinaca gobalka bari, waxaa ka da’aya roobab xoogan oo kala jaray isu socodka dadka. Ilaa saddex qof ayaa lagu soo waramayaa in ay daadadka kula tageen gobalka bari. Garwe, waxaa dib loo dhigay duullimaadyada baaxadda roobabka ka da’aya awgeed.

Meelaha duufaanta ku soo aadantahay ayaa waxaa ay yihiin meelo ay ku nool yihiin bulshooyin ay horay u nugleeysay isbadalka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.