Cabdi cali seed oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliska somalia ayaa dhintay Markii meydkiisa la helay isagoo xarig uu
Qoorta kaga xiranyahay .
Warar aan la hubin ayaa Sheegaya marxuumku In uu isagu is dilay, taliska booliska somalia Wali wax war ah kama soo saarin dhimashada Sarkaalka haseyeeshee xaaskii uu ka tagay Sarkaalka oo la yiraahdo deeqo axmed xasan Waxa,ay sheegtay in iyadu rumeeysan tahay In Uusan ninkeedii is dilin, ee la dilay loona Ekeeysiiyay fal ah in uu isagu is dilay Iyada oo La Hadleeysay saxaafada waxa ay sheegtay in ay 4 Caruur ah Isu dhaleen iyada iyo sarkaalka dhintay .
Ciidamada booliska somalia ayaan dhowr Bilood mushaar qaadan taas oo sii adkeeysay nolosha ciidamada dowlada dhinac walba Waxaana sarkaalka dhintay la sheegayaa in Lagu Amray in uu ka guuro guri ka mid ah Guryaha Police ka oo uu daganaa .
Hadii ay dhacdo dhimashada sarkaalkan Cabdi Cali seed in ay noqoto is,dal,dalaad waxa Ay Cadeeyn u tahay heerka xun ee nolosha Liidata Ee ciidanka police ka somalia ay ku sugan- Yihiin ku,waas oo la dhihi karo waxaa Isugu Darsamay dagaal joogta ah oo ay kula Jiraan Aragagixisada amniga dhibaateeysa , musuq Maasuq,baahay,Mamul xumo ,dacayaad Iyo Duruufo kale oo Ad,adag una baahan baaritaan Buuxa in lagu sameeyo.
warar kale oo goordanbe soo baxay ayaa sheegayo in ay jiraan tuhun laga qabo in la dilay iyo saraakiil la tuhun san yahay in ay ka danbeeyeen dilka loo geystay sarkaalkaa ciidamada bolice-ka ka tirsanaa