Home Afsomali Wardegdega: Ciidanka Melleteriga ayaa la wareegay gacan ku heynta Kaaraan, Xaafadda Fagax,...

Wardegdega: Ciidanka Melleteriga ayaa la wareegay gacan ku heynta Kaaraan, Xaafadda Fagax, Baar Ayaan, Taleex, Tarabuunka iyo Curubo.

Wardegdega: Ciidanka Melleteriga ayaa la wareegay gacan ku heynta Kaaraan, Xaafadda Fagax, Baar Ayaan, Taleex, Tarabuunka iyo Curubo.
Ciidanka gadoodsan ee diidan waqti kororsiga sharci daradaa ee kaligii taliye Farmaajo ayaa la hubaa iney la wareegi doonaan taliska Habar Khadiijo iyo gooba muhiima.
Ciidanka waxey wataan 70 baabuurta dagaalka oo qaarkood beebayaal yihiin, waxaana hogaaminaya Jeneral Saneey Cabdulle oo la filayo inuu goor dhaw la hadlo Warbaahinta.
Ciidan kale oo taabacsan Musharaxa Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa sidoo kale la wareegay ilaa Tarabuunka iyo Taleex iyadoo dabaqyadda la fuulay hubka nuucyadiisa kala duwan.
Bajaaj mooyee baabuur ma socdo Muqdisho. sida muuqatana dagaalka wuxuu yeeshay weji qabiil.
Farmaajo ayaa shaqa joojin ku sameeyay Jeneral Xijaar,waxaana dagaalka hogaaminaaya Jeneral Biixi iyo Jiis Mareexaan.
Isku haleeynta uu Farmaajo qabo waxey tahay iney Ciidanka Uganda kula cararaan Taangi oo Airport-ka geeyaan laakiin taasi lama hubo oo waxaa laga yaabaa iney Ciidanka gadoodsan qabsadaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ama ugu yaraan ay xayiraan duulimaadyadda diyaaradaha.
ila wareedyo muhiima waxey sheegayaan iney suurtagal tahay iney Ciidanka Amisom xiraan ama xabsi guri geliyaan Farmaajo si shaqadda shirka Afisyooni loogu madax baneeyo Ra’isulwasaare Rooble LAHELOW.
Sikastaba beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa luqad isku nuuca ku diiday waqti kororsiga sharci daradda ee Farmaajo sameeyay laakiin sida muuqata isaga waxey kaga dhegan tahay xoog iyo qori inuu xukunka ku sii joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.