Home Afsomali Wareegtadii ugu horeysay oo ka soo baxdo xafiiska gudoomiyaha cusub ee maamulka...

Wareegtadii ugu horeysay oo ka soo baxdo xafiiska gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka banaadir oo noqotay mid lagu joojinayo dhismihii ka socday barxada biyaaso liibaro ama dhabarka danbe ee shineemo ceelgaab

Wareegto kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaga Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Cismaan ‘Yariisow’ taasoo oo soo baxaday maanta oo ay taariikhdu tahay Janaayo 30, 2018, wareegtadan oo u jeedadeedu tahay joojin dhismaha kasocda dhulka Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab.

Wareegtadan oo kusocoto dhamaan taliyayaasha qeybta guud ee Booliiska iyo Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab, waxaana wareegtadan lagu wargelinayaa shirkada Nadaafada ee ECO, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Gudoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir, Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Ujeedada Wareegtadan ayaa ah joojinta dhismaha ku socda dhulka Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab wareegtadan oo tixraaceedu yahay DH/MG/GGDM/01996 kuna taariikheysan April 11, 2017 kana soo baxday gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ‘Madaale’ taasoo ku saabsaneed Wargelin.

Sidoo kale warqadda tixraaca sumadeedu tahay DH/MG/GGM/01995 kuna taariikhsan bisha April 11, 2017 kana soo baxday xafiiska gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ‘Madaale’ taasoo ku saabsaneed Wargelin.

Sidoo kale warqadda tixraaca sumadeedu tahay DH/MG/XG/0128 kuna taariikhsan bisha May 10, 2017 kana soo baxday xafiiska gudoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab kuna saabsaneed talo soo jeedin.

Hadaba mas’uuliyiinta at warqadani sida tooska ah ugu socoto waxaa laga doonayaa inay si deg deg ah u joojiyaan dhimaha at kawadaan Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab, waxaana dhulkaas gacata kusii heyn doona maamulka degmada Xamar Jajab ilaa amar danbe.

Sidaa daradeed mas’uuliyiinta at warqadani sida tooska ah u quseyso waxaa laga rajeynaa inay fuliyaan amarka sida uu u yahay.

Mahadsanidiin iyo Wada Shaqeyn Wacan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho

Eng. Cabdiraxman Cumar Cismaan ‘Yariisow’

.wareegtada laguma sheegin waxa dowladu ka damacsan tahay in laga dhigo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.