Home Afsomali Wariyeyaal shaqada looga eryay sawir ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed...

Wariyeyaal shaqada looga eryay sawir ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xaaskiisa

Labo wariye oo ku sugan dalka Itoobiya ayey shaqada ka eriday Wakaaladda Wararka ee ay leedahay dowladda, kaddib markii ay daabaceen sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xaaskiisa oo qol hurdo iskula jira.

Sawirka oo ah mid la jarjaray, oo wajiyada Abiy Axmed iyo xaaskiisa la dul saaray dad kale, ayaa muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo dhulka jiifa isagoo buste huwan, halka xaaskiisa, Zinash Tayachew, ay saarantahay sariir agtiisa ah, iyadoo waliba dhoollacaddeyneysa.

Sawirkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalka Itoobiya, tan iyo markii la daabacay maalintii Isniinta.

Qoraal ku saabsan jadwalka doorashada oo ay wakaaladda diyaarisay ayaa lala daabacay sawirka.

Wakaaladda ayaa sawirka ka bixisay boggeeda, waxayna islamarkiiba ka bixisay raalligalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.