https://youtu.be/PfHhCRLXtV4
Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie oo ay wehliyaan dhigiisa Koonfur Galbeed iyo H/Shabelle ayaa ku guuleystay in Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay Talaadada keenan kulan guud oo ay madaxda DFS joogaan, loogana hadlayo doorashada.
Deni iyo Madoobe, waxay codsadeen in kahor kulankaas la qanciyo Midowga Musharaxiinta iyo Cabdi Xaashi (Gudoomiyaha Aqalka Sare), taas oo durba Madaxda dawlad gobaleedyadu bilaabeen lana kulmeen wadajirna iskaga horkeenan Musharaxiinta iyo Labada dawlad gobaleed, Berri-na ay labalansan yihin Cabdi Xaashi.
Isniinta ay Puntland iyo Jubbaland la kulmaan Raysalwasaaraha XF Soomaaliya, Isla maalinkaasna lakulmaan Madaxweynaha DFS, iyadoo Talaadana la qabto kulanka guud.