Home Afsomali Warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen xisbiyada iyo madaxdii...

Warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen xisbiyada iyo madaxdii hore iyo kuwa haatan ee somaliland oo ku shirey hargeysa

Waxa ay Xukumadda talada haysaa isugu yeedhay Madaxda maanta talada haysa iyo madaxdii hore dalka ka soo talin jirtay, Saddexda Xisbi Qaran, Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL iyo Talo-qabeenka dalka,kulanka ayaa ka daneyey xaaladda amaan ee gudaha dalka iyo xuduudahawaxaan laga soo saaray qodobada hoos ku xusan :,
1. In colaada deegaanka Ceel-afweyn loo soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana Qaranka oo dhan ka gurmado arrintaa si wada jir ah.
2. In xannafta iyo kala fogaanshaha siyaasiga ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay la iska bogsiiyaan Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku.3. In colaada iyo dagaaladda ay ka huriyeen deegaanka Tukaraq Maamulka Puntland iyo Dawladda Soomaaliya meel looga soo wada jeesto, oo si heer Qaran ah loo waajaho dawlad shicib iyo axsaab qaran ba.

4. In kor loo qaado xawliga dhaqan-gelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talo galay deegaannada gobollada barriga.

5. In beesha Caalamku ogaato in gar-darro qaawan iyo dagaalba ay dawladda Soomaaliya ka bilowday, kana hurisay deegaanno hoos yimaada Tukaraq oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In beesha Caalamku ogaato in Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kasta u taagan tahay nabad iyo daris wanaag ka hirgala guud ahaan gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse lagu war-gelinayo in Jamhuuriyadda Somaliland iyo shicibkeeduba diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gar-daro iyo dagaal kasta oo lagu soo faro-galiyo xuduudaha lama-taab-taanka ah ee JamhuuriyaddaSomaliland ka dhaxashay Isticmaarkii Boqortooyadda Ingiriiska, Axdi Qarameedka Midowga Afrikana waajibinayo.
X=Sicid Cagjar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.