Home Afsomali warmurtiyeed ay soo saareen Sharif Sheekh Axmed 2- Cumar Cabdirashid Cali Sharmake...

warmurtiyeed ay soo saareen Sharif Sheekh Axmed 2- Cumar Cabdirashid Cali Sharmake 3- Xassan Cali Khayre 4- Cadiweli Shiikh Ahmed 5- Cabdiweli Cali Gaas 6- Shariif Xassan Sheekh Aaden 7- Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed 8- Hon Abdulqaadir Cosoble Cali 9- Dr Cabdinasir Cabdulle Maxamed

JAMHUURIYADDA FEDERALKA SOOMAALIYA War murtiyeed 29/05/2023

Annagoo ah mas’uuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan soo

dhawaynaynaa in dalka la gaarsiiyo hannaan doorasho qof iyo cod ah iyo

xisbiyo badan, waxaanna aaminsannahay in ay tahay dariiqa kaliya ee dadka

Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdooda kuna gudan karaan

waajibaadkooda siyaasiga ah kuna dooran karaan dadka matela, taas oo

xoojinaysa dowladnimada iyo dimoqraadiyadda.

Waxaan u caddeynaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo

ay joogaan

  1. In GWQ oo aysan u dhammayn madaxda maamullada dalka ay soo saaraan

go’aanno siyaasadeed oo taabanaya masiirka dalka, waxa ay khatar gelin

kartaa midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed

waxaan ku baaqaynaa in go’aanada massiriga ah ee dalka laga qayb geliyo

dhammaan dowlad gobaleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Soomaaliyeed.

  1. In qaar ka mid ah qodobbada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran

(GWQ) ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood

qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen, sidaas

daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in waxkabeddelka qodabada dastuuriga

ah ee dalka ay shaqadooodu kasoo billowdaan hay’adaha u astaysan lagana

tala geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.

  1. In iyadoo aan si qotodheer looga baaraandegin wax kabaddel siyaasadeed

lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hannaanka Dowladnimada dalka,

lagana qayb gelin dhammaan qaybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u

dhac, kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.

  1. Muddada xilhaynta madaxda dowladda federaalka iyo dowlad

gobaleedyadu waxa ay ku astaysan tahay dastuurka dowladda federaalka iyo

dastuuradda dowlad gobaleedyada, sidaas daraadeed waxaan ku baaqaynaa

in laga fogaado mudo kordhin heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.

  1. In urrurada siyaasadeed ee dalka lagu jaangooyo laba xisbi oo kaliya waxa

ay muujinaysaa in dadka Soomaaliyeed aanay fursad u helin rabitaankooda

siyaasadeed lana doonayo in awoodda lagusoo kobo koox yar.

BAAQ

1- waxaan ugu baaqaynaa baarlamaanka JFS labadiisa aqal in ay ay

gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna dalka ka badbaadiyaan

damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geeddisocodka dowlad

dhiska dalka.

2- In marka hore Dowladdu ay mudnaanta siiso dagaalka Al Shabaab, tallaaba

walba oo siyaasadeed oo culeys ku keeni kartana laga fogaado, laguna

dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka Shabaabka laga

xoreeyay.

Ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo

ay joogaan in ay u kuurgalaan qataraha ka imaan kara go’aamada kasoo

baxay GWQ oo baalmarsan dastuurka dowladda federalka iyo dastuuradda

dowladgobaleedyada dalka.

Waxaa bayaankaan soo saaray:

1- Sharif Sheekh Axmed

2- Cumar Cabdirashid Cali Sharmake

3- Xassan Cali Khayre

4- Cadiweli Shiikh Ahmed

5- Cabdiweli Cali Gaas

6- Shariif Xassan Sheekh Aaden

7- Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed

8- Hon Abdulqaadir Cosoble Cali

9- Dr Cabdinasir Cabdulle Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.