Home Afsomali Warmurtiyeed Shirweynaha Beelaha Hawiye

Warmurtiyeed Shirweynaha Beelaha Hawiye

Warmurtiyeed
Shirweynaha Beelaha Hawiye
Magaalada Muqdisho, 05/01/2021
Ka dib markii la arkay dhibaatooyinka ay ka mid yihiin:
1. Matalaad la’aanta Gobalka Banaadir
2. Amni darrada Baahsan ee dalka ka jirta
3. Caddaalad darrada Hay’ahada garsoorka
4. Xadgudubyada ka dhex jira ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha rayidka
5. Xasilooni darrada siyaasadeed iyo tan amni ee ka dhashay doorashada aan la
isku raacsaneyn
Waxaa shir isugu yimid wax garad kala duwan ee Beelweynta Hawiye Taariikhda
05/01/2021, laguna qabtay Hotel Afrik kaasoo lagu lafa guray arimaha aan kor ku
soo sheegnay, falanqeyn iyo doodo dhaadheer ka dib waxaa la isku raacay
qodobada soo socda:
Is cafis iyo Midnimo
1. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in beelweynta Hawiye is cafiyaan una
midoobaan danahooda meelena uga soo wada jeestaan danta guud ee diinta
iyo dalka.
2. In deg deg loo dhiso gole guurti Hawiye oo taladu ka go’do, saldhigna u
noqda arimaha masiiriga ah ee Hawiye.
3. Shirweynuhu wuxuu isku raacay in la dhiso Dawlad Gobaleed Banaadir
State, isla markaasna la dar dar geliyo dhismaha maamulka.

Doorashooyinla

1. Shirweynuhu wuxuu ku talinyayaa si looga badbaadiyo dalka bur bur,
qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni, waa in la qabto doorasho isla ogol ah
oo ku dhacdo waqtigeeda.
2. Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa talada xal u raadinta doorashada in laga
qeyb galiyo dhammaan saamileyda siyaasadeed ee uu arinku quseeyo sida
Dawladda federaalka ah, Dawlad Gobaleedyada, Musharixiinta Xilka
Madaxweynanimadda iyo bulshada rayidka ah si loo helo doorasho la isku
raacsan yahay ee xiligeeda ku dhacda.
Arrimaha Amniga
1. Shirweynuhu wuxuu uga digayaa madaxweynaha Dawladda Federaalka ah
Cawaaqib xumada ka dhalan karta Faquuqa iyo heybsooca lagu hayo
ciidanka iyo saraakiisha ka soo jeedda beelaha Hawiye, waxaa isi soo taraya
caddeymaha muujinaya in si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo ciidanka
iyo saraakiisha beesha iyadoo lagula kacayo xarig, shaqajoojin, mushaar ka
jarid iyo dalacsiin la’aan.
2. Shirweynuhu wuxuu uga digayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed
qeybahiisa kala duwan in ay ka fogaadaan ku lug yeelashada loolanka
siyaasadeed gutaanna waajibaadkooda qaran ee dastuuriga ah.
Digniin
1. Shirweynuhu wuxuu uga digayaa shirkadaha caalamiga ah ee batroolka
iyo macdanta soo saara ineysan heshiis la galin Dawladda Mudda
xileedkeedii dhamaaday, haddii ay heshiis la gashana waxaan
caddeynaynaa inaysan shaqadaasi ka dhaqan geli doonin deegaanna

 

Arimaha bulshada

Shirweynuhu wuxuu ka digayaa daandaansiga iyo qalqal gelinta lagu hayo
siyaasiyiinta beesha, gaar ahaan musharixiinta madaxtinimada dalka.
2. Shirweynuhu wuxuu farayaa in lagu dhaqmo lana ilaaliyo dastuurka dalka,
sida uu caddeynayo Qodobka 20 aad ee dastuurka dalka ayaa dhigaya in
ogolaansha la’aan la abaabuli karo, lagana qeyb gali karo kulamada
siyaasadeed iyo dibad baxyada nabadeed iyadoo aan cidna ogolaansho
looga baahneyn, sidaas darteed waa in ay Dawladda Federaalka ahi joojisaa
caqabadeynta kulamada Siyaasadeed iyo dibad baxyada nabadeed.
3. Shirweynuhu wuxuu canbaareynayaa falkii argagaxa lahaa ee lagu
xabadeeyay shacabkii Soomaaliyeed ee bannaan baxa nabadeed dhigayay,
wuxuuna dalbanayaa in si deg deg ah cadaaladda loo hor keeno askarigii
xabadaha ku riday shacabka shucuurtooda muujinayey
4. Shirweynuhu wuxuu canbaareynayaa dhibaatada xoogan ee lagu hayo
canshuur bixiyayaasha Gobalka Banaadir ee waddooyinka iyo albaabadaba
laga xiray, meydadkii iyo xaamilooyinkii waddo la marsiiyo la waayay isla
markaasna aysan heysan wax amni ah.
Doorashada Gobalada Waqooyi
1. Soo xulidda xubnaha labada aqal ee Gobaladda Waqooyi ku matalaya
golayaasha dalka waa in looga danbeeyo soo xulistooda masuuliyiinta uu
hor kacayo mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah guddoomiyaha aqalka

Baaq

sha hawiye waxay ugu baaqaysaa beelaha Soomaaliyeed in ay isugu
yimaadaan gogol dib u heshiisiineed oo ay uga tashanayaan masiirka dalka
ayadoo gogosha ay u dhigayso beesha Hawiye.
2. Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa haddii muddo xil heynta ka hor la gaari
waayo xal siyaasadeed in la dhiso gola qaran oo muddada xilgaarsiinta
dalka sii shaqeeya.
3. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay
joojiso qalalaasaha iyo isku dirka ay ka waddo Gobalka Hiiraan.
Gunaanad iyo Mahadnaq
1. Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ka qeyb qaatay
qabsoomidda shirka, ciidamada sugayay amaanka goobta shirka iyo ka soo
qeyb galayaasha, wuxuu kaloo shirku u mahadcelinyaa beesha caalamka oo
mar walba la garab taagan taakuleyn iyo taageero joogta ah shacabka
Soomaaliyeed, waxeyna ku bogaadinaysaa sii joogtaynta iyo gacan siinta
umadda Somaaliyeed.
Wabillaahi tawfiiq

Wabilaahi towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.