Home Afsomali Warmurtiyeed SHIRWEYNAHA WAXGARADKA BEELWEYNTA HAWIYE Muqdisho,

Warmurtiyeed SHIRWEYNAHA WAXGARADKA BEELWEYNTA HAWIYE Muqdisho,

https://youtu.be/lIDBsNNJ6UI

Ka dib kulamo is dabajoog ah iyo wadatashiyo sal balaaran oo ay yeesheen duubabka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, culamaa’udiinka, dhallinyarada, haweenka, ganacsatada, xildhibaannada, xubnaha golaha wasiirrada iyo
gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada ayaa laga soo saaray warmurtiyeedkaan soo socda:

1- Beeshu waxay si buuxda u garab taagan tahay ilaalinta nabadgelyada, xasillooonida iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

2- Waxay ka xuntahay raalligelinna ka bixinaysaa erayada xanafta, colaadda, magacdilka iyo gefka wata ee maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray shakhsiyaad ama koox ku abtirsada Beesha Hawiye balse aan haysanin wakaalad ama sharciyad ay ku matalaan.

3- Beeshu waxay garab taagan tahay Madaxda ku matasha Hay’adaha Dowladda ee uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxaanna si gaar ah ugu hambalyeynaysaa Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ee garab istaagay una hiilliyey qaranimada Soomaaliyeed, waxaanna kuwa kale ugu baaqaynaa inay ku soo biiraan.

4- Beesha Hawiye waxay cod dheer ku caddaynaysaa in aysan cidna ka oggolaanaynin in la barakiciyo maatideeda, lana burburiyo deegaannada ay beeshu ku badan tahay oo ay ugu horreyso caasimadda Muqdisho; waxayna uga digaysaa kuwa colaadda u soo raraya deegannada beeshaan ee doonaya In ay ka macaashaan dhiigga dhallinyaradeeda iyadoo ugu baaqaysa waxgaradkoodu in ay gacanta ka qabtaan.

5- Waxaan Beesha Caalamka ugu baaqaynaa in ay dowladda Soomaaliyeed ku garab istaagato sidii loo adkayn lahaa nabadgelyada dalka iyo ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Si la mid ah waxaan qaddarin iyo hambalyo u diraynaa Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo si sokeeyenimo ah ugu dadaalaya xal u raadinta dhibaatooyinka Soomaaliya.

6- Beesha Hawiye waxay xusuusinaysaa shacabka Soomaaliyeed in beeshu ay leedahay hoggaan dhaqan iyo mid siyaasadeed oo huwan xaqa matalaaddeeda, kaligoodna ku hadli kara magaceeda.

7- Waxaan ku dhiirigelinaynaa hoggaanka qaranka in uu labanlaabo dadaalkiisa ku aaddan xoojinta iyo ilaalinta nabadgelyada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, wixii tabashooyin ahna lagu xalliyo dariiq nabadeed, lagana dhawrsado wax kasta oo keeni kara colaad iyo kala fogaansho.

8- Waxaan u hambalyeynaynaa ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed oo guulaha ay ka soo hooyeen goobaha dagaalka iyo sugidda aminiga dalka annagoo ku bogaadinayna In aysan u dhega nuglaanin hadallada gurracan ee xambaarsan nacaybka, dibindaabyada iyo hagardaamada kana soo yeeraya siyaasiyiinta qaarkood.

9- Beesha Hawiye waxay ku baaqaysaa nabad iyo xasillooni guud ee ummadda Soomaliyeed ay ku waarto,
Isla markaasna waxay ka digaysaa erayada colaad abuurka ah ama xanafta leh.

-Dhammaad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.