JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
30/01/2021
WAR MURTIYEED BEESHA HABARGIDIR
Shir ay yeesheen Beesha Habargidir 30/01/2021 oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda, Duubaabka Dhaqanka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Culuma’udiinka, Dhallinyarada iyo Haweenka oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayaa looga tashaday xaalada uu dalka marayo iyo sidii ay beeshu gacan uga gaysan laheyd geedi socodka nabada iyo horumarka dalkeena.
Shirkaan oo ahaa mid kusoo aaday waqti xasaasi ah ayaa looga dooday arrimaha did u heshiisiinta, amniga federaalka, doorashooyinka iyo sidii beeshu qeybteeda uga qaadan laheyd xal u helida qilaafaadka la xariira qodobada aan kor ku soo sheegnay.
Shirku wuxuu is waraysi iyo isbaraarujin iyo falanqeyn dheer ka dib soo saaray qodobada soo socda:-
1. Beeshu waxay si hufan usoo dhawaynaysaa go’aanka geesinimada leh ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku saxiixay xeerkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horay u ansixiyay ee matalaada 13 Senetor ee Gobalka Banaadir.
2. Beesha waxay si buuxda u taageeraysaa Dowlada Federaalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Xukuumada uu horseedka u yahay Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble.
3. Beeshu waxay soo dhawaynaysaa dadaalada siyaasadeed ee xalka loogu raadinaayo sidii dalka looga hergilin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ee ay wadaan Xukuumada, Dowlada Goboleedyada iyo Beesha Calaamka.
4. Beeshu waxay ugu baaqaysaa Umadda Soomaaliyeed in nabada laga wada shaqeeyo lagana fogaado talaabo kasta oo dib u dhac iyo iska hor imaad u keeni karta dalka.
5. Ugu danbeyn Beeshu waxay ummadda Soomaaliyeed u rajaynaysaa nabad, Isfahan iyo wadajir.
Dhamaad