Home Afsomali Warqad culeys lagu saaray gudoomiyaha baarlamaanka oo sida la sheegay la soo...

Warqad culeys lagu saaray gudoomiyaha baarlamaanka oo sida la sheegay la soo baxday villa somalia

Warqad ka soo baxday madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta laga mamnuucay in ay gawaarida kasoo galaan illinka koowaad (Gate 1), iyadoo ujeedka rasmiga ah uu yahay in la go’doomiyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Mursal.

Waxaa maanta laga soo celiyay illinka laga galo madaxtooyada Xildhibaano u socday hoyga Gudoomiye Mursal ee Villa Hargeysa oo ku dhexyaal madaxtooyadda, waxaana lagu wargeliyay in amar ka soo baxay Madaxtooyada aanay geli karin.

Warqadan soo baxday maanta ayaa muujinaysa inysaan Kooxda Nabad iyo Nolol u diyaar ahayd wada hadal iyo in xal laga gaaro khilaafka xoogan ee hadda jira waxayna la tahay inay wax walba XOOG iyo HANDADAAD ku maquunin kar aan.

Arrintan ayaa ah mid ka dawladnimada keeni kartana inay qar dheer ka tuurto dibna u celiso wixii la isku ka kabayey mudada dheer ee ahayd dib usoo celinta dawladnimaddii Soomaaliya oo burburtay 1991kii oo kaligii taliye AUN Maxamed Siyaad ay ku burburtay.

Qoraalkan ayaa lagu ogolaanayaa 21 baabuur oo kaliya oo ay kala wataan Khayre iyo shaqsiyaad kale inay soo galaan madaxtooyadda, taas oo ah wax lala yaabo oo lagu qoslo.

aamina saciid cali oo ah Agaasinka madaxtooyada ayaa lagu amray in bari ka bilaabato in gaadiidka Madaxtooyada gali jiray in hadda kadib aan loo ogolaan doonin qofkii rabo ha watee.

Bari ayuuna amarkaasi dhaqan gali doonaa waxaanna lagu amray ilaalada Madaxtooyada in gawaarida ay ka soo deyn karin afaafka hore ee Madaxtooyada amarkaan ayaanna ku eg ilaa 20-ka bisha.

Bari ayuuna amarkaasi dhaqan gali doonaa waxaanna lagu amray ilaalada Madaxtooyada in gawaarida ay ka soo deyn karin afaafka hore ee Madaxtooyada amarkaan ayaanna ku eg ilaa 20-ka bisha.

FG: Gawaarida la ogol yahay ayaa kala ah.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha 5 gaari
Guddoonka baarlamaanka 4 gaari
Xafiiska hanti dhowrka 3 gaari
Guddiga doorashooyinka 3 gaari
Guddiga xuduudaha qaranka 2 gaari
Wasaaradda arimaha dastuurka 2 gaari
Guddiga xalinta qalifaadka 2 gaari

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.