Warqad sir ah oo la helay!!!
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Codsaday in Xabsiga Hargeysa laga sii daayo 5, dhalinyaro ah oo mudo sanad kabadan Hargeysa ugu xidhan inay gaaloobeen iyo weliba Faafinta Diinta Kiristaanka.
Warkan ayaa soo baxaya xili Coldoon u xidhan yahay maxaad u ogaatay in maamulaha Jaamacada Barwaaqo dalka u timi faafinta diinteeda!!!
Dhalinyaradan oo laga soo qabqabtay guryo Hargeysa looga iibiyey looguna talogalay inay dhalinta kale ku gaalaysiiyaan ayaa waxa dhawr jeer isku dayey inay soo daayaan Kiniisadaha maalgeliya, balse waxa la waayey wasiir ama siyaasi ku dhiirada.
Ugu dambayn Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo u xilsaaran ilaalinta Diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ayaa Kiniisadihii ka ogolaaday inuu usoo daayo gaaladooda si’ay weliba shaqadooda usii wataan.
Warbaahinta ayaa heshay Warqad wasiirku u diray Maxkamada kagana dalbanayo in dhalinyaradaas lasii daayo.
Fiiro gaar ah: Wasiirka Diintu wuxuu laba maalin kahor balan qaaday inuu soo baadhaya baaddariyada JOY balse kulankii dhex maray iyo baadhistii waxay dhashay dhalinyaradii gaaloobay ee weliba gaalnimada fidinayey inuu sii daayo.
Fadlan la wadaag asxaabtaada (Share)