Home Afsomali Warsaxaafadeed bandow lagu soo rogay Xeen daabka Xalane

Warsaxaafadeed bandow lagu soo rogay Xeen daabka Xalane

Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen bandow ay ku soo rogayaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ATMIS waxaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay xeradda Xalane uu saaraa doono inta u dhaxeysa 26-ka bishaan ilaa 28-ka bishan April.

Teendhada Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka Xalane ayaa lagu qabanayaa doorashada guddoonka baarlamaanka cusub, sida uu maanta shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Go’aankaan ayey ATMIS sheegtay inay qaadatay kadib markii ay la tashi la sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale ATMIS waxay cadeysay in howlaha kale ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay si caadi ah u soca doonaan, inta lagu guda jiro doorashooyinka ka dhacaya Afisyooni.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo wareejiyey Afisyooni, kadib markii shaki badan laga muujiyey ammaanka xarunta golaha shacabka ee Villa Hargaysa, halkaas oo weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday lagu qaaday, xilli uu ka socday kulankii koowaad ee xildhibaanada golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.